Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ugu baaqay Dadkii shalay bililiqeystay Xarumaha maamulka in ay dib u soo celiyaan waxyaabihii ay qaateen

Khamiis, March 27, 2008(HOL): Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa wuxuu ugu baaqay dad ku sugan magaalada Jowhar oo bililiqeystay qalab yaalay xarumaha maamulka in ay dib u soo celiyaan waxyaabihii ay qaateen.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Deelle oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Jowhar ayaa sheegay in Dadkii bililiqada ka qeybqaatay ay waqti u heysteen in ay ku soo celiyaan waxyaabihii ay qaateen muddo 24 saac ah, wixii waqtigaas ka dambeeyana ay baaritaan bilaabi doonaan.

"24 Saac wixii ka dambeeya waxaan sameyn doonnaa baaritaan, ciddii aan gurigeeda ka helno alaab ay bililiqeysatayna waan soo xiri doonnaa, waana ganaaxi doonnaa"ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Deelle.
 
Kadib markii uu maamulka soo saaray amarkan ayaa waxaa la arkayay dad wada alaabadii ay biliqeysteen oo dib ugu celinaya meelihii ay ka qaadeen, kuwaasi oo fulinayay baaqa uga yimid mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dad badan oo ku dhaqan Magaalada Jowhar ayaa shalay subax waxay bililiqeysteen agab yaalay xarumaha maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe kadib markii  ay gacan ku heynta magaaladaas waqti kooban la wareegeen ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka.

Dhanka kalena, Xaaladda Magaalada Jowhar ayaa haatan waxay tahay mid degan oo ay si caadi ah u socdaan dhaqdhaqaaqyadeeda ganacsiga, iyadoo ay sidoo kalena shaqeynayaan xafiisyada maamulka Gobolka oo shalay qaarkood lagala baxay Albaabadii iyo Daaqadihii.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia