Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo mar kale ku celiyay in ay Xukuumaddiisa la hadleyso cid kasta oo mucaarad ah

Arbaco, March 12, 2008(HOL):Shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay ra'iisul Wasaaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayuu shaaca kaga qaaday in xukuumaddiisa ay la hadlayso cid walba oo ka tirsan Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dib u heshiisiinta ayuu u kala qaaday laba qaybood isagoo sheegay in qayb ay tahay mid khuseysa Shacabka Soomaaliyeed, midda kalena ay tahay mid khuseysa mucaaradka Dowladda ee ay doonayaan inay la hadlaan.

Ra'iisul wasaaruhu wuxuu daboolka ka qaaday in xukuumaddiisu ay la hadlayso dhammaan mucaaradka ka horjeeda, aysanna doonayn inay kala saaraan kooxaha mucaaradka ah, balse ay dhammaantood la hadli doonaan.

"Waxaan diyaar u nahay inaan la hadalno mucaaradka, xitaa waxaan la hadlaynaa kooxda Al-shabaab oo ka mid ah mucaaradka Dowladda, innagoo kula hadlayna meel walba oo suurtagal ah" ayuu yiri Nuur Cadde.

Sidoo kale, wuxuu Ra'iisul wasaaruhu wuxuu beeniyay in khilaaf uu kala dhexeeyo Madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo ku saabsan qaabka loo wajahayo dib u heshiisiinta iyo nabad ka dhalata Soomaaliya isagoo sheegay inay isaga iyo Yuusuf isku aragti ka yihiin qodobkaas.

Mar la weydiiyay Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya xilliga ay baxayaan ciidamada Ethiopia, maadaama ay kooxaha mucaaradka ah shuruud kaga dhigeen wadahadallada ay la gelayaan Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay inaysan ciidamada Ethiopia baxaynin illaa heshiis laga gaaro xaaladda Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia