Maxaabiis ku jirta Xabsiga Dhexe ee Magaalada Beledweyne oo loo wareejinayo Xarun ku dhow fariisinka Dowladda Itoobiya

Arbaco, March 12, 2008(HOL): Kadib markii kooxo hubeysan oo dhawaan weerar ku soo qaaday xarumaha Dowladda Magaaladda Beledweyne ay ka sii daayeen inta badan Maxaabiistii ku jirtay Xabsigga dhexe ee Magaaladda ayaa kulan ay ku yeesheen Xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan Mas'uuliyiinta Sare ee Maxkamadda waxaa ay ugga wada hadleen sidda laga yeelayo Maxaabiista hadda ku jirta Xabsigga dhexe mar hadii Amaanka Xabsiggu noqday mid aan laysku haleyn karin.
 
Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Hiiraan Shiikh Cismaan Bare Max'ed oo shir ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay in tiradda Maxaabiista la sii dayay ay gaarayaan ilaa 38 oo ay ka mid ahayeen ayuu yiri gacan ku dhiiglayaal dil ku xukunaa, waxaana uu intaa ku daray in aysan hadda ku sugneyn gudaha Magaaladda Maxaabiista la sii dayay gaar ahaan kuwii ay Maxkamaddu dilka ku Xukuntay.
 
Shiikh Cismaan Bare Max'ed waxaa uu intaa ku daray in hadda la qorsheynayo goob kale oo loo wareejiyo Maxaabiista ku jirta Xabsigga dhexe si markaa loo ilaaliyo Amaakooda, islamarkaana meesha loogga saaro in si micno daro ah loo sii daayo danbiilayaan si yaabo kala duwan loo xukumay,  hase ahaatee mar uu ka jawaabay Su'aal ay weydiisay HOL oo aheyd halka uu u maleynayo in lagu ilaalin karo Amaanka Maxaabiista waxaa uu yiri wali nooma qorsheysna lakiin meel uga haboon ma jirto Xarunta Iftin oo ah xarun ku dhaw Fariisnka Ciidamadda Dowladda Itoobiya ee Jante-guudisho.
 
Warka ku saabsan wareejinta Maxaabiista ku jirta Xabsigga dhexe ee Magaaladda Beledweyne ayaa muujinaya sidda Maxkamadda Gobalku uga shakisan tahay awooda Ciidamadda ilaaladda ka ah Xabsigga kuwaa oo dhawaan xili habeenimo ah Kooxo hubeysan kala wareegeen gacan ku heynta Xabsigga.
 
Hadiise ay suurta gasho in loo wareejiyo Maxaabiista ku jirta Xabsigga dhexe Xarunta Ifin oo ah goob aan ka fogeyn fariisnka Ciidamadda Itoobiya waxaa adkaan doonta in si sahlan weerar loogu qaado ama xitaa ay baxsadaan Maxaabiista ku jirta madaama Xaruntu tahay goob dhismo ahaan ku haboon in Xabsi loo xusho, halka dhanka kale amaanka ay sugayaan Ciidamadda Itoobiya oo aysan ku dhiiran karin Kooxaha weeraradda ku qaada Xarumaha Dowladda.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledwyen, Somalia