Arbaco, March 12, 2008(HOL): Wafdi uu hoggaaminayo Col. Barre Aadan Shire (Hiiraalle) oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa gaaray Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, halkaasi oo uu ka bilaabay dhaqdhaqaaqyo la xiriira maamul u sameynta Degmada Baardheere.
Xildhibaan Barre oo wafdigiisa oo uu ka mid yahay Xildhibaan Gen. Axmed Warsame ayaa waxay ka bilaabi doonaan degmadaas sida la sheegay olole lagu dhisayo maamulka degmadaas oo buuq weyn kiciyay, wuxuuna sheegay inay ku soo fool leeyihiin Baardheere Xildhibanno kale.
Wafdiga ayaa fariisin ka dhigtay xarunta Muuri oo Xildhibaanka u ahayd fariisin, wuxuuna wafdigu bilaabay inay fariisinkooda ku casuumaan odayaasha dhaqanka ee degmadaas si ay uga dhaadhiciyaan hadafkooda ku aaddan dib u heshiisiinta iyo dhisidda maamulka Degmadaas.
Isku day lagu doonayay in maamul loogu sameeyo Degmada Baardheere oo ka tirsan Gobolka Gedo ayaa dhaliyay buuq weyn, kaasoo gaaray heerkii ugu xumaa kaddib markii beelo ka mid ah kuwa degmadaas ay diideen maamul loo sameeyay degmadaas, iyagoo sheegay in beel ahaan xaqoodii la duudsiiyay.
Waa markii ugu horreysay oo xildhibaan Barre Hiiraale uu gaaray Baardheere tan iyo markii halkaas loogu geystay qarax uu ku dhaawacmay, kaasi oo aan dhibaato weyn ka soo gaarin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia