Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ku baaqay in la qabto Banaanbaxyo looga soo horjeedo Ciidamada Itoobiya iyo Duqeyn uu Mareykanka ka geystay Somalia

Arbaco, March 12, 2008(HOL): Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee xaruntiisa dhexe ay tahay magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa wuxuu soo saaray warsaxaafadeed uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayo in ay sameeyaan dibadbaxyo looga soo horjeedo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya iyo weliba Duqeyn ay Ciidamada Mareykanka ka geysteen  Degmada.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Isbaheysiga oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee Isbaheysiga Saleebaan Colaad Rooble ayaa waxaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo loogu baaqay inay oogaan banaanbaxyo lagu cambaareynayo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya iyo weliba garaacis ay Ciidamada Mareykanka dhawaan u geysteen Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa mar kasta wuxuu soo saaraa warsaxaafadeedyo uu ku sheego dhibaatooyin ay Ciidamada Itoobiya ka geystaan Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho, iyagoo ku baaqay in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Soomaaliya.

Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa waxaa ku mideysan Maxkamadaha Islaamka, Xubno la baxay Baarlamaanka Xorta ah ee Soomaaliya, Mas’uuliyiin ka socda Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed iyo weliba Mas’uuliyiin ka socda Qurbo-joogta Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia