Sabti, June 07, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ayaa waxay sheegayaan in ay meel xasaasi ah marayaan wada hadalladii Magaalada Djibouti uga socday dhinacyada isku haya Soomaaliya.
Wararku waxay intaas ku darayaan in la soo af-jaray Seminaarkii Ergooyinka Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta uga socday guriga Umadda Jibouti, haatanna ay socdaan wada hadallo xasaasi ah oo ay labada dhinac uga doodayaan qodobo ka hadalkooda gadaal loo dhigay oo uu ku jiro mid ay si weyn ugu dhegan yihiin Ergooyinka Isbaheysiga Dib u xoreynta, kaasi oo ah in Ciidamada Itoobiyaanka dalka Soomaaliya laga saaro, welibana ka bixistooda waqti cayiman loo qabto.
Qodobkaas ayaa wuxuu yahay mid ay labada dhinac isku mari la’ yihiin, waxaana socda dadaallo dhexdhexaadin ah oo ay Qaramada Midoobay waddo, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ergada Dowladda Federaalka ay taasi bedelkeed qabto in inta aan la saarin ciidamada Itoobiyaanka marka hore ay heshiis gaaraan labada dhinac.
Sida aan ka soo xigannay ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan Hotelka Kempinski waxaa isla meel dhigidda qodobadaas xasaasiga ah loo saaray guddi labada dhinac kala metelaya kuwaas oo kala ah:
Dhinaca Dowladda Federaalka
Axmed C/salaan Xaaji Aadan- Hoggaanka Ergda Dowladda
C/risaaq Ashkir Cabdi
Xildhibaan C/llaahi Shiikh Ismaaciil
Dhinaca Isbaheysiga Dib u xoreynta
C/raxmaan C/shakuur Warsame- Hoggaanka Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta
C/raxmaan Maxamuud Jinaqow
Iyo xubin kale oo aanan magaceeda helin
Wada hadallada Jibouti ayaa waxay u muuqdaan in ay haatan u gudbeen wejigii rasmiga ahaa, kaasi oo haddii lagu heshiiyo xal u keeni kara mushkiladda dhibaatada ka taagsan Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha haaatee, Wada hadallada ka socda Dalka Jibouti ayaa waxa ka soo bixi doona waxaa si weyn ugu dheg-taagaya dad badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa dhaqan Magaalada Muqdisho oo ku nool Xaalad Nabad iyo Nolol xumo ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia