SHIIKH XUSEEN GAAGAALE: “Shacabka reer Hiiraan waxeynu ka codsaneynaa in ay isaga guuraan goobaha ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne”

Sabti, June 07, 2008(HOL): Maalmihii aynu soo dhaafnay waxaa soo baxayay warar laysla dhaxmarayo oo sheegaya in Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga qorsheynayaan weeraro lagu qaado Ciidamada Itoobiya ee jooga gudaha Magaalada Beledweyne, hadaba mid ka mid ah mas'uuliyiinta Maxkamadaha Gobalka Hiiraan oo lagu magacaabo Shiikh Xuseen Gaagaale islamarkaana u waramayay mid ka mid ah Idaacadaha ka howlgala Gobalka Hiiraan ayaa ka hadlay waxa ka jira warkaa isaga ah iyo waliba sida ay dhinacooda u arkaan shirka ka socda Dalka Jabuuti.

Waxaa uu yiri, Gobalka Hiiraan inta badan maanta waxaa maamula Maxkamadaha Islaamiga marka laga reebo Magaalada Beledweyne oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah, dhibaatada ugu weyn ee jirta waxaa ay tahay qasaaraha ka soo gaari kara shacabka dagaal lagula galo Itoobiya gudaha Magaalada, sidaa daraadeed waxeynu ka codsaneynaa shacabka reer Hiiraan iyaga oo fiirinaya sida uu hadalka u yiri  dadaalka loogu jiro ka Xuroobida Gumeysiga in ay isaga guuraan goobaha ay degan yihiin sida uu hadalka u dhigay Ciidamada Cadawga, isaga oo dhinaca kalana sheegay in maalin maalmaha ka mid ah ay la dagaalami doonaan  kuwa soo duulay.

Maamulka hada ka jira Gobalka Hiiraan ayuu ku tilmaamay mid aan la socon wacyiga iyo is badalada dhacaya, halka dhanka kale wax lala yaabo uu ku tilmaamay in Dowladda Federaalku ku mashquusho maamul u dhisida Gobalka Hiiraan oo kaliya xili Gobalada kale ee dalka shacabka ku dhaqan iyagu u madax banaan yihiin arimahooda gudaha.

"Annaga hadii aynu nahay Maxkamadaha Islaamiga waxaa naga go'an ayuu yiri in marka dalka laga xureeyo Ciidamada Itoobiya in shacabka loo dhaafo arimahooda gudaha, si bal ey iyagu u doortaan cida markaa ay doonayaan ayuu sheegay Shiikh Xuseen Gaagaale oo  dhinaca kale farta ku fiiqay in aan loo dul qaadan doonin Ciidamada Itoobiya ee  iska dhax jooga sida uu hadalka u dhigay haweenka, Caruurta iyo kuwa Waxgaradka ah ee dhibsaneya arintaa iyada ah.

Dhinka kale mar uu ka hadlayay shirka ka socda dalka Jabuuti waxaa uu yiri " Mar walba Diiniyan marka la eego waa wax waajib ah in la soo dhaweeyo masaalixada, lakiin u maleyn maayo in kuwa sheeganaya Dowladda go'aan gaari karaa waayo iyaga taladu waa ay ka sareysaa,  balse waxaa uu dhinaca kale intaa raaciyay in wax walba ka horeeyaan in dalka laga saaro Ciidamada Itoobiya markaa kadib Soomalidu iyagu ka wada hadlaan arimahooda gudaha.

Hadalka mas'uulka ka tirsan Maxkamadaha ayaa ku soo beegamaya xili dhawaan uu soo baxay war sheegaya in daafaha Magaalada Beledweyne uu ka socdo dhaq-dhaqaaq ay wadaan Ciidamo ka tirsan Maxkamadaha, taasoo xitaa u ka hadlay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Max'ed Axmed Dhagaweyne oo sheegay in ay helayaan warar sheegay madaafiic lagu rakibayo hareeraha magaalada,  waxaana xusid mudan in shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne uu shaki ku abuuray baaqa ku saabsan in ay isaga guuraan goobaha ay ka dhaw yihiin Ciidamada Itoobiya.

Dhinaca kale Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne ayaa dib uga laabtay ga'aan dhawaan ay isla gaaraan iyaga iyo Odayaasha dhaqanka oo ahaa in ay isaga baxaan Magaalada Beledweyne sida uu HOL u xaqiijiyay mid ka mid ah Waxgaradkii Ciidamada Itoobiya horay arintaa ay uga wada hadleen,  Inkastoo aysan faah faahin ayuu yiri Ciidamada Itoobiya sababta ay u sii jooogaan Magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia