Dagaal ay ku dhinteen Shan Qofood oo xalay ka dhacay nawaaxiga Kuliyaddii Jaalle Siyaad

Sabti, June 07, 2008(HOL): Dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda oo xalay fiidkii ka dhacay nawaaxiga Kuliyaddii Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Meydadka Shan Ruux oo seddex ka mid ah ay yihiin Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka lagu arkay halkii uu xalay dagaalka ka dhacay, iyadoo sidoo kalena la sheegay in ay jiraan dad dagaalka ku dhaawacmay oo aan tiradooda la sheegin.

Saaka markii uu waaba baryay kadib ayaa waxaa meeshii dagaalka ka dhacay gaaray Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwaasi oo halkaas ka sameynaya howlgallo baaritaan ah oo ku raadinayaan kooxihii xalay weerarka ku soo qaaday

Dagaalka xalay ka dhacay nawaaxiga Kuliyaddii Jaalle Siyaad ayaa wuxuu qeyb ka yahay dagaallo xiriir ah oo dhawaanahan ka dhacayay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Dhanka kalena, Xaaladda Degmada Dharkeenley  oo xalay la ciir-ciireysay Ciidamo lagu soo daadiyay ayaa waxay saaka tahay mid degan, waxaana si caadi ah u socda dhaqdhaqaaqa Dadka iyo Ganacsiga ee Degmadaas.

Ciidamadaas ayaa Degmada lagu daadiyay kadib markii ay dadweyne u muuqda in ay taageersan yihiin Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay bililiqo ku bilaabeen Saldhigga Booliska Degmada Dharkeenley, kaasi oo ay Ciidamadii joogay isaga guureen kadib markii ay dhowr jeer weerar ku qaadeen Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia