Sabti, June 07, 2008(HOL): Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Dalka Jibouti ayaa waxay sheegayaan in ergooyinka Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ay mar kale maanta isugu imaanayaan Seminaarkii u socday.
Seminaarkan oo looga hadlayo Nabadeynta, Dib u heshiisiinta iyo Cadaaladda ayaa waxaa la filayaa in uu u gudbo qeybo kale oo looga hadlayo Arrimaha Siyaasadda iyo sidii Ciidamada Itoobiyaanka uga bixi lahaayeen Soomaaliya, isla markaana loo keeni lahaa Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay.
Guddiyo labada dhinac kala metelaya ayaa la filayaa in loo saaro ka hadalka arrintaas, kuwaasi oo ugu dambeynta soo saari doona waxyaabihii ay isla meel dhigeen.
Qaabka ay u socdaan wada hadallada Jibouti oo wax badan ka duwan shirarkii loo qaban jiray Soomaalida ayaa wuxuu yahay mid ay ku jaha wareersan yihiin Dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay maskaxdooda ku wareegeyso waxa ka soo bixi kara Seminaar loo qabtay dhinacyada isku haya Soomaaliya.
Laakin waxaa arrintaas ka hadlay labada Hoggaamiye ee Ergooyinka wada hadallada u socdaan ee kala ah Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan iyo C/raxmaan C/shakuur Warsame, kuwaasi oo sheegay in qaabka wada hadallada u socdaan ay fahamsan yihiin Ergooyinka wada hadlaya, isla markaana ay Dadka Soomaaliyeed ay ku adkaaneyso in ay fahmaan sida wax u socdaan bacdamaa ay ogaan jireen shirar Saxaafadda loo fasaxo oo ay iska cad yihiin wax kasta oo looga hadlayo.
Ugu dambeyntiina, waxaa socda dadaallo Diblumaasiyadeed oo ay Qaramada Midoobay horseed ka tahay, kuwaasi oo la doonayo in lagu najixiyo Wada hadallada Jibouti ka socda oo ay u dheg-taagayaan Dad badan oo Soomaaliyeed oo ku kala sugan dalka Gudahiisa iyo Dibaddiisa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia