Axad, June 29, 2008 (HOL): Gaari Mark II ah oo ay la socdeen seddex qofood oo rayid ah ayaa waxay maanta miino kula qaraxday nawaaxiga Dugsigii 21-ka Oktoobar ee Degmada Waaberi.
Qaraxaas oo ahaa mid xooggan oo dhawaqiisa laga maqlayay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu geystay dhaawac mid ka mid ah seddexdii ruux ee gaarigaas saarnaa, iyadoo sidoo kalena uu burbur xooggan u geystay gaarigii ay dadkaas wateen.
Qaraxaas kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo howlgallo ka sameeyay halka uu qaraxa ka dhacay, iyadoo la soo weriyay in ay Ciidamada baareen goobo uu ku jiray Dugsi lagu magacaabo Al-Mathal, kaasi oo xiliga ay Ciidamada baarayeen ay ardayda ku jireen Imtixaankii Sanad Dugsiyeedka.
Ma ahan markii ugu horeysay oo uu qarax ka dhaco Wadada hor-marta Dugsiga 21-ka Oktoobar, waxaana halkaas horay uga dhacay qaraxyo qaarkood lala eegtay Gaadiid ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo weliba kuwo ay dad rayid ah la socdeen, kuwaasi oo uu ugu darnaa mid haleelay gaari ay la socdeen Haween aad u badan oo Qaadka ka ganacsan jiray, kuwaasi oo qaarkood geeriyoodeen, halka kuwo kalena ay dhaawacmeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia