Axad, June 29, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa xalay waxay weerar ku qaadeen Laanta Horseed ee Degmada Yaaqshiid, halkaasi oo fariisin u ah Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Maamulka Degmada Yaaqshiid.
Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxyaddiin Xasan Jurus oo weerarkaas wax laga weydiiyay ayaa wuxuu sheegay in xalay 8-dii Fiidnimo ay Kooxo hubeysan weerar ku qaadeen fariisin ay Ciidamadooda ku leeyihiin Laanta Horseed ee Degmada Yaaqshiid, wuxuuna sheegay in ay Ciidamada iska caabiyeen Kooxihii weerarka ku soo qaaday oo uu sheegay in ay hal nin ka dileen.
“Ninkaas ka tirsanaa Kooxihii Laanta soo weeraray waxaa uu yaallaa meydkiisa meeshii uu ka dagaalamayay, waxaana dusha ka saaran Bastoolad uu watay oo lagu dilay, ciddii rabtana waa ay soo arki kartaa”ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxyaddiin Xasan Jurus.
Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid in aanu jirin wax khasaare ah oo Ciidamadooda ka soo gaaray weerarkaas, wuxuuna sheegay in bambo iyo rasaas lagu soo riday ay ku dhaceen meel aaney Ciidamada joogin.
Ma ahan markii ugu horeysay oo weerar lagu qaado Laanta Horseed ee Degmada Yaaqshiid, waxaana horay u jiray dhowr jeer oo hore oo sidan oo kale weerar lagu qaaday, inkastoo aaney weerarraas geystay khasaare xoog leh marka laga reebo askar uu dhaawac fudud ka soo gaaray, waa sida ay ku warameen Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Yaaqshiid.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia