Dhinacyada is-khilaafsan ee Isbaheysiga Dib u xoreynta oo ku kulmaya Dalka Yemen

Cabirka Farta

Axad, June 29, 2008(HOL): Indhawaalaba waxaa socday dadaallo la doonayo in lagu xalilo khilaafka soo kala dhexgalay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ku kala tegay wada hadallo ay soo qaabeysay Qaramada Midoobay oo xal loogu raadinayo Mushkiladda Soomaaliya.

Dadaal lagu isugu soo dhaweynayo dhinacyada uu u kala jabay Isbaheysiga Dibu xoreynta Soomaaliya ayaa waxaa wada Mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha Islaamka oo Muqdisho ka tegay, kuwaasi oo labada dhinacba kala hadlay in ay ogolaadaan in laga wada hadlo waxyaabaha la isku hayo.

Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta oo u waramayay Idaacadda Somaliweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in uu jiro qorshe ku saabsan in labada dhinac ku kulmaan Dalka Yemen, wuxuuna xusay in ay arrintaas ka shaqeeyeen Rag ka yimid Soomaaliya oo isku howlay in ay dhexdhexaadiyaan dhinacyada uu u kala baxay Isbaheysiga Dib u xoreynta, inkastoo uu ka gaabsaday in uu magacaabo raggaas Soomaaliya ka yimid ee dhexdhexaadinta wada.

Horayna C/raxmaan Maxamuud Jinaqow oo ka mid ah Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa u sheegay in ay socdaan dadaallo xal loogu raadinayo khilaafka soo kala dhexgalay Isbaheysiga Dib u xoreynta, wuxuuna sheegay in khilaafkaas lagu xalinayo Isbaheysiga dhexdiisa, isla markaana arrinta hoos loo geli doono.

“Horaa loo yiri Gacmo Geel-jire hoos ayaa loo dhaqaa marka waxaan dooneynaa in aan mad-madowgaas ku xalinno Isbaheysiga dhexdiisa”ayuu yiri Shiikh C/raxmaan Maxamuud Jinaqow oo rajeeyay in ay labada dhinac is-af-garan doonaan.

Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Xubno ka socda Maxkamadihii Islaamka, Xubno laga saaray Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xubno ka socda Bulshada Rayidka iyo Xubno ka socda Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Qurbaha ayaa wuxuu labo u kala jabay kadib markii labada Mas’uuliyiinta ugu sareysa Isbaheysiga  iyo Xubno ku fikir ah ay goosteen in ay Wada hadal ku aadan sidii Soomaaliya looga saari lahaa Ciidamda Itoobiya la galaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, iyadoo kadibna xubno ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta oo ay ku guddoomiye ku xigeennada Isbaheysiga ay arrintaas kas oo horjeesteen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia