Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Degmooyin cusub u magacawday Gobollada Galgaduud iyo Mudug

Cabirka Farta

Axad, June 29, 2008 (HOL):  Wareegtoo uu soo saaray Madaxweynaha Dowladda Fedeaalka Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu magacaabay ilaa lix degmo oo ka tirsanaan doona Gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Wareegtada uu madaxweynaha soo saaray oo uu saxaafadda u aqriyay afhayeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-doon ayaa waxaa lagu sheegay in lixda degmo ee uu madaxweynaha magacaabay ay afar ka mid ah ka tirsan yihiin Gobolka Galgaduud, halka labada soo hartayna ay ka tirsan yihiin Gobolka Mudug.

Degmooyinka cusub ee Gobolka Galgaduud

Degmada Guriceel
Degmada Ceel Garas
Degmada Xeraale
Degmada Baxdo

Degmooyinka cusub ee Gobolka Mudug

Degmada Colguula
Degmada Jawla

Afhayeenka Dowladda Federaalka Cabdi Xaaji Goob-doon wuxuu sheegay in sababta uu madaxweynaha Degmooyinkaas u magacaabay ay tahay isagoo qiimeeyay codsiyo ay u soo jeediyeen Odayaasha, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Deegaannada Degmooyinka laga dhigay iyo isagoo tixgeliyay soo jeedin uga timid Wasiirka Arrimaha Gudhaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Cabdi Xaaji Goob-doon oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in Deegaannada Degmooyinka laga dhigay ay yihiin kuwo ay ku nool yihiin dad aad u badan, isagoo sidoo kalena xusay in Deegaannadaas ay leeyihiin baaxad aad u weyn oo u qalanta in Degmo laga dhigo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia