Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo Spain ku sii jeeda

Cabirka Farta

Sabti, June 28, 2008(HOL): Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa waxay sheegayaan in Ra’iisal Wasaaraha oo ku sugan Magaalada Nairobi uu caawa u duuli doono Magaalada Madrid ee Dalka Spain.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa la sheegay in booqashada uu ku tegayo Dalka Spain ay tahay casuumaad uu ka helay Ra’iisal Wasaaraha Spain Jose Luis Rodriguez Zapatero, waxayna wararku sheegayaan in uu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde Spain ku sugnaan doono muddo labo maalmood ah.

Maalinta Talaadada ah ee soo socota ayuu Ra’iisal wasaare Nuur Cadde dib ugu soo noqon doonaa magaalada Nairobi, halkaasi oo maalmihii tegay ku sugnaa, isla markaana uu kulamo kula lahaa Wakiillada Beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Nairobi waxaa uu kulamo la qaatay Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ambassador John Yates iyo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallah, wuxuuna labadaba kala hadlay Arrimo ku saabsan Dalka Soomaaliya iyo weliba dadaallada dib u heshiisiinta ah ee Qaramada Midoobay ka dhex waddo dhinacyada Soomaaliya isku haya.

Ugu dambeyntiina, Kulankii ay Dalka Sacuudiga mar kale ku yeelan lahaayeen dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo mar kale saxiixi lahaa heshiiskii ay Jibouti ku gaareen  ayaa la filayaa in kulankaas oo dhici lahaa dhamaadka bishan uu dib u dhaco muddo todobaad ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia