Sabti, June 28, 2008(HOL): Nin dablay ah ayaa xalay rasaas ooda kaga qaaday ciidamo ka tirsan Booliska magaalada Boosaaso xili ay marayaaan aga gaarka Hotelka Five Star ee magaalada Boosaaso.
Rasaastaasi waxa ay sababtay dhaawac laba ruux oo mid ka mid ah uu ahaa ciidanka poliska ,waxaana dhaawaca labadaasi ruux loo cararay isbitalka Bandar qasim ee Magaaalada Boosaaso.
Ciidanka Booliska magaalada Boosaaso ayaa rasaas ku kala eryay shacab goobta ku soo xoomay, isla mar ahaantana isku gadaamay goobta weerarka uu ka dhacay.
Ninkii dablayga ahaa ee weerarka ku soo qaaday ciidanka ayaa halkaasi ka baxsaday ,iyadoo aysan jirin ilaa iyo hada cid ka tirsan maamulka puntland iyo kan gobolka oo ka hadashay weerarkaasi lagu soo qaaday ciidanka .
Dad goob joogayaal ah ayaa hiiran online u sheegay in ciidanka weerarka lagu qaaday ay ahaayeeen ilaalada Wasiirka amniga dawlada goboleedka puntland Cabdulahi Siciid Samatar.
Weerarka lagu qaaday ciidanka poliska magaalada bosaaso ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli ciidanka poliska habeenadii ugu danbeeyay ay wadeen hawlgalo baaritaano ah oo amniga magaalada lagu sugayo.
Inkastoo weerarada noocaan oo kale aysan ku badnayn magaalada Bosaaso ayaa hadana waxa ay qayb ka yihiin falal amni xumo ah oo ku soo kordhaya qaybo ka mid ah Deegaannada uu ka taliyo Maamul Goboleedka Puntland.
Feysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia