Sabti, June 28, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa saaka subaxnimadii waxay weerar ku qaadeen Gaadiid galbinayay mid ka mid ah Taliye ku xigeennada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Maxamed Nuur Ibrow, kuwaasi oo ku sii jeeday Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay.
Weerarkaas oo socday muddo saacad ku dhow ayaa ka dhacay inta u dhaxeyso Deegaannada Yaaq-biri-weyne iyo Leego, iyadoo uu ku geeriyooday mid ka mid ah ilaalada Taliye ku xigeenka, halka mid kalena uu ku dhaawacmay, iyadoo kadibna ay Taliye ku xigeenka iyo ilaaladiisa ay safarkooda u sii wateen dhinaca Magaalada Baydhabo.
Markii uu dhacay weerarkaas ayaa waxaa dhinaca Magaalada Baydhabo ka amba baxay Gaadiid dagaal oo gurmad ah, kuwaasi oo u soo baxay in ay soo galbiyaan Taliye ku xigeenka oo markiisii hore ka soo amba baxay Magaalada Muqdisho.
Inta u dhaxeysa Degmooyinka Wanla-weyn iyo Buur-hakaba ee Gobollada Bay iyo Shabeelaha Hoose ayaa waxaa had iyo jeeraale lagu weeraraa gaadiidka ay la socdaan Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasi oo qaarkood ay ku sii jeedeen Magaalada Baydhabo, halka kuwo kalena ay ka soo socdeen.
Dhanka kalena, waxaa dib u furmay isu socodka Dadka iyo Gaadiidka Magaalada Baydhabo kadib markii ay saaka hakad geliyeen Ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo muddo saacado ah howlgallo ka waday gudaha Magaalada Baydhabo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia