Ciidamadii Itoobiya ee fariisinka ku lahaa Xerada Janta-Kuundisho ee duleedka Magaalada Beledweyne oo halkaas isaga guuray iyagoo u jiheystay dhinaca Gobolka Galgaduud

Cabirka Farta

Sabti, 28, Jun, 2008 (HOL)  Ciidamo Itoobiyaan ah oo maalmihii aynu soo dhaafnay fariisin ku lahaa Xerada Jante-kuundisho ee duleedka Magaalada Beledweyne ayaa xalay mar kaliya isaga huleelay halkaas sida ay HOL u sheegeen dadka deegaanka.
 
Ciidamadan oo qaarkoodna lugeynaya kuwo kalena ay la socdaan gaadiidka Dagaalka ayaa u dhaqaaqay dhinaca wadada gasha Gobalka Gal-gaduud inkastoo hadana aan  si  rasmi ah loo sheegi karin halka ay dhab ahaan ku wajahan yihiin Ciidamada oo bilihii aynu soo dhaafnayba ka waday qeybo ka mid ah Gobalada dhexe dhaq-dhaqaaq Milatari.
 
Intii ay Ciidamadu joogeen Xerada Jante-kuundisho ee duleedka Magaalada Beledweyne  waxaa ay subax walba soo gali jireen gudaha magaalada halkaas oo ay ka qaadan jireen biyaha ay u baahan yihiin, waxaana dhowr jeer lagu qaaday weerarro loo adeegsaday Bam kuwa gacanta laga tuuro ah kaa oo mid ka mid ah Ciidamadu ku toogteen qof rayid ah oo ka dhawaa goobta lagu weeraray.
 
Markii uu soo baxay warka ku saabsan in Ciidamadu ka baxeen farsiinkoodii Jate-kuudisho ayaa durbaba waxaa lagu arkay qeybo ka mid ah Magaalada xoogaga Maxkamadaha Islaamiga oo meelaha qaar xitaa howl-galo ka sameynaya, gaar ahaan xaafada howl-wadaag oo is rasaaseyn ku dhaxmartay Xoogagda Maxkamadaha iyo kooxo burcad ah oo la sheegay in ay dhac u geysanayeen mid ka mid ah gadiidka xamuulka ah ka baxa gudaha Magaalada.
 
Dhinaca kale waxaa cidla ah saakay Xarunta Maamulka Gobalka oo aysan soo xaadirin Mas'uuliyiinta Maamulka iyada oo sidoo kalna aysan jirin Ciidamu ilaalo ka haya Xarunta lama garanayo halka ay ku danbeeyaan Mas'uuliyiintii Maamulka Gobalka Hiiraan.
 
Magaalada Beledweyne ayaa bishan aynu ku jirno waxaa la oran karaa waxaa ay u ahayd bil ammaan darradu gaartay heerkii ugu xumaa, waxaana ka dhacay dilal ujeedo badan ah oo aan la ogeyn halka ay salka ku hayaan, sidoo kale waxaa xiliyada habeenkii oo idil dhagaha dadka ku soo dhacayay rasaas aan la ogeyn sababta loo ridayo iyo cidda lagu ridayo toona, taasi oo sababtay in dadka intiisa badan shaki ka qaado sida xaalku yahay iyo halka arimuhu saldhigan doonaan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia