Jimco, June 27, 2008(HOL): Waxaa la sii daayay oo xornimadiisa dib u helay Guddoomiyaha Degmada Huriwaa Cumar Axmed Cabdulle (Cumar Jacfaan), kaasi oo muddo 19 maalmood ah xabsi ugu jiray Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka kaxeystay gurigiisa.
Guddoomiyaha Degmada Huriwaa Cumar Jacfaan oo markii la soo daayay kadib saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada Itoobiya ee heystay aysan wax dhibaato ah u geysan, wuxuuse carrabka ku dhuftay in ay ka maqneyd xoriyaddiisii aas-aasiga ah oo markaasina uu la mid ahaa qof af-duub lagu heysto oo kale.
Cumar Jacfaan waxaa uu sheegay in ay sii deyntiisa gacan ka geysteen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaasi oo uu ka xusay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir MAxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), wuxuuna sheegay in uu haatan xor yahay uuna howlihiisa si caadi ah u wadan doono.
Dhawaan ayay ahayd markii Axmed Cabdulle Dhiblaawe oo ah Aabaha dhalay Guddoomiyaha Degmada Huriwaa uu ka codsaday Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay gacan ka geysato sidii loo sii deyn lahaa wiilkiisa, isagoo xiligaasna sheegay in xiriirro uu la sameeyay madaxda Gobolka Banaadir uu wax natiijo ah ka soo saari waayay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia