Jimco, June 27, 2008(HOL): Waxaa laga soo dayrinayaa xaalada caafimaadka wiil yar oo ka mid ahaa 5 ruux oo kooxo burcad badeed ah ay afduub ugu haystaan hawdka buuralayda deegaanka ayl ee gobolka nugaal ,kuwaasi oo la socday markab laga leeeyahay dalka germany oo deegaanadaasi iminka afduub loogu haysto.
Wiilkaan ayaa lagu soo warmayaa in xaaladiisa caafimaad ay noqotay mid aad u liidata ka dib markii ay cuntay kaneecada sunta leh ee ku nool buurlayda deegaankaasi ayl oo ah meel ay ku badanyihiin cayayaanka yar yar ee wax u dhima caafimaadka qofka bini aadanka ah.
Hogaamiye beeleed ku sugan deegaankaasi ayaa Hiiraan Online u sheegay in kooxda afduubka u haysta cunugaasi ay gobolka sanaag ka soo dalbadeen dhakhtar daryeela caafimaadka cunugaasi ,waxaana ka mid ah dadka afduubka loo haysto hooyadii iyo aabihii.
Canugaan yar ayaa la qabsan waayay kulaylka aadka u ba,an ee ka jira buuraha deegaanada ayl iyo xeebaha gobolka bari , xilli xaaladiisa caafimaad ay noqotay mid aan caadi ahayn.
Dadkaan ajaanibta ah ee afduubka loo haysto ayaa u dhashay dalka garmalka , waxaana ay ka mid ahaayeen dal xiisayaal ay kooxo burcad badeed ah kala soo dageen markaba wadankaasi jarmalka laga leeyahay.
Kooxaha iminka afduubka u haysta dadkaasi ayaa dalbaday lacag madax furasho oo gaaraysa 1 million oo dollorka maraykanka ah si ay u sii daayaan dadka iminka ay afduubka u haystaan.
Maalmo ka hor ayey ahayd markii kooxo burcad badeed ah ay lacag madax furasho oo garaysa 1.250,000 ay ka qaateen markab nooca dalxiiska ah oo ay afduub u haysteen.
Xeebaha puntland ayaa la saaxiib noqotay afduubyo kala duwan oo la gaysanayo maraakiibta caalamiga iyo u raran hayadaha gar gaarka ee ka hawl gala Puntland.
Feysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia