Jimco, June 27, 2008(HOL): Hay’adda Qarmada midoobay u qaabilsan Cuna siinta aduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano W.F.P ayaa ku hanjabtay in ay joojin doonto hawlaha gar gaarka ay ka wadaan gudaha dalka somalia hadii aan sida ugu dhakhsiyaha badan loo xakamayn burcad badeeda ka qaawaalaysta xeebaha dalka somalia.
W.F.P waxa ay beesha caalamka ka codsatay in la helo maraakiib caalami ah oo nooca dagaalka ah kuwaasi oo soo galbiya shixnadaha gar gaarka u sidoo sida somalia ee u raran hayada W.F.P , si looga hartago afduubyada ka jira badaha somalia.
Dawlado dhawr ah oo ay ka mid yihiin holland iyo faransiiska ayaa bilihii tagay waxa ay ahaayeen kuwa ka caawinayay maraakiibta W.F.P in loo gaysto wax afduub ah ,balse dawlada wadanka holland ayaa mar hore sii shaacisay in aysan diyaar u ahayn in maraakiibteeda ay ka hawl galaan badda dheer ee dalka somalia.
Barnaamijka cuntada aduunka ee W.F.P ayaa shaki galiyay sida ay ku imaan doonaan qaybo ka mid ah somalia ,maadaama burcad badeedku ay noqdeen kuwa si aad ah bilihii ugu danbeeyay ku soo xogaysanaya badda dalka.
Inta badan gar gaarka ay W.F.P ugu tala gashay dadka u baahan waxa ay 82% u soo miraa badda, iyadoo iminka aysan jirin wax maraakiib dagaal oo ilaaliyaa Cunooyinka iyo deeqaha ay uga tala gashay somalia
Agaasimaha barnaamijka Cunta siinta ee W,F,P ee dalka somalia Peter Goossens ayaa ka digay xaalada burcad badeedka badda dalka somalia ,isagoo sheegay in ayba istaagi karayaan hawlaha gar gaar iyo kuwaa caafimaad ee somalia looogu tala galay.
Qaramada midoobay ayaa sidoo kale ka digtay cuno yaraanta somalia , xilli somalia ay ku suganyihiin 3.5 million oo ruux kuwaasi oo gaajo ay ku dilooto qaybo ka mid ah koonfurta somalia ,isla markaana gaajada ay ugu darsoontay dagaalo sokeeyay oo mar walba dhaca.
Baaqaan ka soo yeeray W.F.P ayaa qalqal ku abuuray kumanaan ka tirsan qaxootiga somalia oo ku sugan meelo kala duwan oo dalka ka mid ah ,waxaana hadii ay W.FP ay ka dhabayso in ay joojiso gar gaarka Somalia ay ugu tala galaan laga yaabo in gaajo ay u dhintaam malaayiin ka tirsan shacabka Somalia.
Feysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia