Doon Kalluumeysi oo ku qalibantay Degmada Warshiikh

Cabirka Farta

Jimco, June 27, 2008(HOL): Hal Ruux ayaa geeriyooday labo ruux oo kalena si dirqi ah ayay ku badbaadeen kadib markii Doon ay saarnaayeen oo nooca kalluumeysiga ah ay kula qalibtay meel u dhow Xeebta Degmada Warshiikh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Guddoomiyaha Degmada Warshiikh C/raxmaan Macallin Axmed ayaa sheegay in ruuxa geeriyooday iyo labada ruux ee soo badbaaday oo dhamaantood Soomaali ah ay markoodii hore ka shiraacdeen dhinaca Xeebaha Gobolka SHabeelaha Hoose, wuxuuna sheegay in dadkii soo badbaaday gurmad deg deg ah loo sameeyay.

Ilaa iyo haatan waxaa la la’ yahay Meydka Ruuxii geeriyooday iyo burburka Doontii ay wateen, waxaana haatan meydka ninkaas baadi-goobaya Kalluumeysato ka soo jeeda Deegaannada hoos-yimaada Degmada Warshiikh.

Doontan ayaa xiliga ay qalibmeysay waxaa aad u kacsaneyd Badda, iyadoo weliba ay xusid mudan tahay in lagu jiro xilligii Bad-xiranka oo ay Kalluumeysatada wata Doomaha yar yar ay si aad ah uga baqaan in ay Badda galaan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Doon ku qalibanto Xeebaha Degmada Warshiiskh, waxaana horay u jiray dhowr jeer oo hore oo sidan oo kale ay Kalluumeysato saarnaa la qalibantay Doon ay wateen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia