Dagaal xooggan oo galabta ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Khamiis, June 19, 2008(HOL): Dagaal  xooggan oo la isugu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa galabta casir-liiqii waxaa uu ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Dagaalkan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo ka soo horjeeda ayaa wuxuu qarxay kadib markii ay Ciidamada Maxkamadaha weerar ku qaadeen fariisin ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ku kala leeyihiin Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga, Xaruntii Saraakiisha ee Shiirkole iyo Xaruntii Guul-wadayaasha.

Khasaaraha uu dagaalkan geystay oo weli isa soo taraya ayaa ilaa iyo haatan waxaa la xaqiijiyay inay dagaalkii galabta ku geeriyoodeen 7 Ruux, kuwaasi oo ay guryahooda ugu tageen madaafiic habow ah. Xaafadaha ay Dadka ku geeriyoodeen ayaa waxaa ka mid ah Xaafadda Labo-Dhagax, Dhabarka Dambe ee Warshaddii Taraqa iyo Sigaarka, qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha iyo Xaafadda Maxamuud Xarbi.

Xaafado Degmada Hodan ka fog oo ka tirsan Degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir ayaa laga maqlayay dhawaqa madaafiicda dagaalkii galabta la isugu adeegsaday, waxaana taasi sahlayay xiliga oo habeen sii noqonayay jawigana uu sii degayay.

Afhayeenka howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in 5-tii galabnimo ee maanta ay Ciidamadooda weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, kuwaasi oo kala ah Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga, Xaruntii Saraakiisha ee Shiirkole iyo Xeradii Guul-wadayaasha, wuxuuna sheegay in ay dileen 10 ka mid ah Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugnaa Xeradii Guul-wadayaasha, ayna la wareegeen Xeradaas.

“Annaga dhinaceena waxaa dagaalka nooga shahiiday  2 Mujaahid, 3 kalena waa ay nooga dhaawacmeen, wax kale oo dhibaato ah nama soo gaarin, taasina Alle ayaan uga mahadcelineynaa”ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow oo sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ay madaafiic ku garaaceen intii dagaalka socday  xaafado ay dad rayid ah degan yihiin.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa muddo sanad iyo bar ka badan waxaa ka socda dagaallo dhexmara Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Siyaasadda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, waxayna dagaalladaasi sababeen in ay Dad badan dhintaan, kuwo dhaawacmeen, kuwo kalena ay guryahoodii ka barakacaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia