Shir ay leeyihiin Madaxda Dalalka Islaamka oo la hirdhigayo Qaar Taageero loogu raadinayo Heshiiskii ay dhinacyada Soomaalida ku gaareen Dalka Jibouti

Cabirka Farta

Khamiis, June 19, 2008(HOL): Magaalada Kampala ee Caasimadda Dalka Uganda ayaa waxaa ka furmaya shir ay isugu imaanayaan madaxda dalalka ku bahooday Ururka Islaamka, kuwaasi oo shirkooda uga hadli doona arrimo ku saabsan Dunida Muslimka.

Shirkan oo ah midkii 35aad oo ay isugu yimaadaan Madaxda Dalalka Islaamka ayaa waxaa Soomaaliya uga qeybgelaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli, kaasi oo haatanba ku sugan Magaalada Kampala ee Dalka Uganda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa uu sheegay in ay Dowladda Federaalka hordhigeyso shir madaxeedka Islaamka Qaraar ay taageero ugu raadineyso heshiiskii ay dhawaan Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.

“Waxaan ka codsaneynaa Madaxda Shirka isugu imaaneysa inay Ciidamada UN-ka ka socda ee la qorsheynayo in Soomaaliya loo diro ay qeyb fiican ka qaataan Wadamada Islaamka, waxaana rajeynayaa in ay Madaxda Wadamada Islaamka Qaraarkan soo dhaweyn doonaan”ayuu yiri Cali Axmed Jaamac Jengili.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengili waxaa uu sheegay in maalinta berri ah ay Qaraarka ansixin doonaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda Dalalka Islaamka, kadibna loo gudbin doono Madaxda Dalalka Islaamka, kuwaasi oo uu iyana ka rajeeyay in ay meel-marin doonaan.

Ugu dambeyntiina, mar la weydiiyay Wasiirka sababta Dalka Uganda loogu qabtay shirka Ururka Islaamka ayaa wuxuu sheegay in Uganda ay Ururka Islaamka ku biirtay intii uu xukunka dalkaas hayay Madaxweynihii hore ee Uganda Iiddi Amiin, hayeeshee waxaa uu xusay in Uganda ay ka mid tahay Wadamada ay ku nool yihiin Muslimiinta laga tirada badan yahay ee hadana ku jira Ururka Islaamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia