Banaanbax ka dhan ah Maamulka cusub ee loo magacaabay Gobolka Hiiraan oo maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne

Cabirka Farta

Khamiis, June 19, 2008(HOL): Dad aad u faro badan oo isugu jiray bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa maanta waxay banaanbax ka dhigeen Magaalada Beledweyne ee Xarunta u ah Gobolka Hiiraan.

Banaanbaxani oo ay soo qabanqaabiyeen Haweenka Magaalada Beledweyne ayaa waxaa looga soo horjeeday Maamulka cusub ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u magacawday Gobolka Hiiraan, iyadoo dadkii isugu soo baxay gudaha Beledweyne ay ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan Maamulkaas.

Maryan Cabdulle Cawaale oo u hadashay haweenkii Banaanbaxa soo abaabulay ayaa waxay sheegtay in wixii ka dambeeyay markii maamulka cusub loo magacaabay gobolka Hiiraan ay ku soo kordheen gobolka, gaar ahaan xaruntiisa Beledweyne falal nabdgelyo darro ah, waxayna carrabka ku dhufatay in ay haatan magaalada barakac uga maqan yihiin dad badan oo horay ugu sugnaa.

Maryan Cabdulle Cawaale waxay sheegtay in ay nabadgelyo-darrada la soo deristay Gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyne ay ku eedeynayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sida ay tiri  dusha uga keentay maamullo is-diidan, waxayna o xustay in gobolka Hiiraan uu marayo maamulkii seddexaad oo loo soo dhiso iyadoo gobollada dalka qaarkood aysan wax maamul ah lahayn.

Dadka banaanbaxa dhigayay oo isku dayay in ay isugu tagaan barxadda Xarunta Gobolka ayaa markii ay xarunta u dhawaadaanba waxaa rasaas ku ridayay Ciidamo ka amar qaata Maamulka Gobolka, hayeeshee banaanbaxaasi wuxuu ku soo gebageboobay si nabadgelyo ah.

Ugu dambeyntiina, Maamulka cusub ee Gobolka Hiiraan ee loo jeedinayo eedeynta ayaa waxaa magaalada Beledweyne ka jooga kaliya seddex mas’uul, iyadoo ay xusid muda tahay in xubnihii kale ee la magacaabay ay diideen in ay xilalkaas qabtaan sababo la xiriira in aan lagala tashan  iyo in aysan qabashada xilkaas diyaar u ahayn.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia