Khamiis, June 19, 2008(HOL): Hoggaamiyayaasha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee kala ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxay maanta magaalada Nairbo kulan kula qaateen Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ambassador John Yates, kaasi oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan Soomaaliya.
Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo ka mid ah Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo kulankaas ka qeybgalay ayaa wuxuu u sheegay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho in ay labada dhinac isla soo qaadeen arrimo ku saabsan heshiiskii ay dhawaan Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, wuxuuna sheegay Prof. Ibbi Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya uu soo dhaweeyay heshiiskaas.
Prof. C/raxmaan Ibbi oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in uu Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu Safiirka Mareykanka ugu baaqay in ay dowladdiisa kaalin mug leh ka qaadato sidii Soomaaliya looga saari lahaa Ciidamada Itoobiya.
Danjire John Yates oo isna kulanka ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in ay Dowladdiisa taageereyso, isla markaana ay ka qeybqaadaneyso meel-marintiisa heshiiskii ay dhawaan Jibouti ku gaareen dhinacyada Soomaalida, wuxuuna sheegay in ay Dowladdiisa ka qeybqaadan doono sidii Ciidamada Itoobiya looga saari lahaa Soomaaliya.
Hoggaamiyayaasha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo maalmahan ku sugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxay horay ula kulmeen Wakiillo ka socda Midowga Yurub, kuwaasi oo ay iyana ka wada hadleen arrimo ku saabsan Soomaaliya, sidii loo meel-marin lahaa Heshiiskii Jibouti oo uu qodobadiisa ka mid yahay qodob ku saabsan in ay Ciidamada Itoobiya Soomaaliya uga baxaan 120 maalmood kadib marka la keeno Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo ku filan sugidda ammaanka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia