Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay Dagaallo saacadihii la soo dhoofay ka dhacay Magaalada Muqdisho & Arrimo kale

Cabirka Farta

Arbaco, June 18, 2008(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu ka hadlay Dagaallo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, dhibaato ay geysteen roobab Muqdisho ka da’ayay maalmahan iyo weliba xarig ay Ciidamo Itoobiyaan ah u geysteen Guddoomiyaha Degmada Huriwaa Cumar Cabdulle Axmed (Cumar Jacfaan).

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa  wuxuu sheegay in dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo madaafiic lagu garaacay xaafadaha Muqdisho ay ka dambeeyaan sida uu u yiri Al-Shabaab.

“Dhibaatada Shacabka gaartay waxaa mas’uul ka ah Al-Shabaab maxaa yeelay dagaallo ay sii wadaan iyadoo heshiis xabad-joojin ah la saxiixay”ayuu yiri Maxamed Dheere oo ka codsaday dadkii dagaalladaas ku dhaawacmay in ay la soo xiriiraan, si ay wax ugu qabtaan.

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in heshiiskii Jibouti uu u muuqdo mid buray bacdamaa sida uu hadalka u dhigay aysan istaagin dagaalladii Muqdisho ka socday, wuxuuna caddeeyay in ay aad uga xun yihiin dhibaatooyinka ka socda magaalada Muqdisho.

Waxaa wax laga weydiiyay xarig ay Ciidamo Itoobiyaan ah u geysteen Guddoomiyaha Degmada Huriwaa Cumar Cabdulle Axmed (Cumar Jacfaan), wuxuuna sheegay in ay arrintaas xiriir kala sameeyeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, “arrintaas ma rabno in aan saxaafadda uga hadalno balse waxaan idiin sheegayaa in aan warqad u qornay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, jawaab ayaana sugeynaa”ayuu yiri Maxamed Dheere.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo sii hadlayay waxaa uu ka hadlay dhibaato Roobab Muqdisho ka da’aya ka soo gaartay Dad soo barakacay oo ku nool Xeryo Qaxooti oo ku yaala Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in ay  ka war hayaan in ay Magaalada Muqdisho ku geeriyoodeen 7 ruux, kuwaasi oo uu carrabka ku dhuftay in ay booqdeen qoysaskii ay ka geeriyoodeen, isla markaana ay qoysaskii ay dadkaas ka geeriyoodeen ay guddoonsiiyay 5 Milyan oo Shilin Soomaali ah Qoyskiiba.

Ugu dambeyntiina, Maxamed Dheere waxaa uu baaq u diray Dadkii Muqdisho ka barakacay in ay guryahooda dib ugu soo noqdaan, wuxuuna sheegay in haddii ay dadkaas dib ugu soo noqdaan Muqdisho ay guryahooda uga saari doonaan haddii ay jiraan Ciidamo ka degan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia