Arbaco, June 18, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa saaka aroortii wuxuu ku laabtay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kadib markii uu booqasho dhowr maalmood qaadatay uu ku tegay Dalalka Itoobiya iyo Jibouti.
Madaxweynaha oo diyaaraddii wadday ay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Muqdisho saaka aroortii ayaa wuxuu si nabadgelyo ah ku tegay Xarunta Villa Somalia oo fariisin u ah, iyadoo aaney jirin wax weerarro ah oo lagu qaaday intii uu ku socday Wadada ka tagta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Xarunta Villa Somalia.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa seddex jeer oo uu labo ka mid ah ka duulayay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa lagu qaaday weerarro la doonayay in lagu khaarijiyo, iyadoo weeraradaas qaarkood uu sheegtay Ururka Al-Shabaab ee dagaalka kula jira Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha ayaa wuxuu Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya uga soo qeybgalay kulan sanadeed ay halkaas ku lahaayeen madaxda Urur Goboleedka IGAD, iyadoo kadibna uu booqasho rasmi ah ku tegay Dalka Jibouti oo ku sugnaa muddo 48 saacadood ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia