Arbaco, June 18, 2008(HOL): Waxaa sii kordheysa khasaaraha ka dhashay Dagaal shalay maqribnimadii ka dhacay Isgoyska Florenza ee Degmada Wardhiigley, kaasi oo dhexmaray Ciidaamda Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Ilaa iyo haatan inta la xaqiijiyay dagaalkaas ayaa wuxuu geystay dhimashada 9 ruux iyo dhaawaca dad kale oo aad u tiro badan, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo guryahooda ku sugnaa.
Guri ku yaala Xaafadda Geel Jaceyl ee Degmada Wardhiigley ayaa wuxuu geeriyooday labo haween ah oo mid ka mid ah ay marti ahayd, 6 ruux oo kale oo isugu jiray 4 caruur ah iyo hooyooyinkii dhalayna waa ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kalena Guri ku yaala Xaafadda Xarar-yaale ee Degmada Wardhiigley ayaa isna madfac ku dhacay waxaa uu sababay dhimashada 6 ruux, iyadoo madfac kale oo ku dhacay guri ku yaala Xaafadda Maxamuud Xarbi ee isla Degmadaasna uu geystay dhimashada hal ruux iyo dhaawac soo gaaray dad kale oo gurigaas ku sugnaa.
Dadkaasi ku geeriyooday dagaalkii shalay ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Florenza iyo Xaafadda Geed Jaceyl ayaa waxaa ku habsaday madaafiic ay isu adeegsanayeen dhinacyadii dagaalamayay, kuwaasi oo mar kasta oo ay dagaallamaan ay dirirtooda khasaare ka soo gaarto dadka rayidka ah ee aan dagaalka ku lugta lahayn.
Dhanka kalena Warar aynu saaka ka helnay Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa ayaa waxay sheegayaan in ay xalay afar ruux ku geeriyoodeen guri ku yaala Xaafaddaas kadib markii guri ay ku jireen uu kula dhacay madfac habow ah, kaasi oo ku soo beegmay xili uu dagaal ka socday nawaaxiga Saldhigga Booliska Degmada Huriwaa.
Haddaba marka la isku soo daro tiro ahaan dadka ku geeriyooday magaalada Muqdisho 12-kii saac ee aynu ka soo gudubnay waxay gaarayaan 13 ruux, kuwaasi oo ay guryahooda ugu tageen madaafiic ay isu adeegsadeen dhinacyada ku dagaalama Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia