Arbaco, June 18, 2008(HOL): Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka amar qaata Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa saaka waxay Miino kula qaraxday nawaaxiga Dugsigii 21-ka Oktoobar ee Degmada Waaberi, iyadoo qaraxaasna uu ahaa mid xooggan oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Qaraxan oo ka dhashay Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago ayaa la sheegay in uu Ciidamadaas u geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Sida ay sheegeen Dad deegaankaas ku sugan waxaa la arkayay Ciidamadii gaariga saarnaa oo qaarkood dhulka yaallaan, kuwaasi oo aan la kala cadddeyn karin in ay dhaawac ahaayeen iyo in ay dhinteen.
Wax yar kadib markii uu qaraxaas dhacay ayaa waxaa goobta tegay Ciidamo kale oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo rasaas ku kala eryay Dad doonayay in ay arkaan khasaaraha soo gaaray Ciidamadii Miinada lala eegtay iyo Gaarigii ay saarnaayeen.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Wadadaas Miino kula qaraxdo Ciidamada Dowladda Federaalka, waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo halkaas qaraxyo lagula beegsaday, iyadoo weliba ay xusid mudan tahay in halkaas mar sii horeysay qarax lagula beegsaday qaar ka mid ah Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyntiina, Qaraxii ugu waxyeellada badnaa ee Wadadaas ka dhacayna wuxuu ahaa mid lala beegsaday Gaari Mini Bus ah oo ay saarnaayeen Haween Qaadka ka ganacsada, kuwaasi oo uu qaraxaas ka soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho tiro badan iyo dhaawac aad u culus, iyadoo qaraxa lala eegtay Haweenkaasna ay si weyn uga xumaadeen Dad badan oo Soomaaliyeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia