Talaado, June 17, 2008(HOL): Dagaal xooggan oo la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa goor dhaweyd waxaa uu ka bilowday Isgoyska Florenza ee Degmada Wardhiigley, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dagaalkan oo madaafiic culus la isugu adeegsanayo ayaa wuxuu qarxay abaara xiligii Salaadda Maqrib ee Waqtiga Afrikada Bari, waxaana la isugu adeegsanayaa hub culus oo laga tilmaami karo Qoryaha Hoobiyayaasha, Taangiyada iyo RPG-ga (Baasuuke) iyo mid fudud oo uu ugu dhawaq dheer yahay Qoriga BKM oo ay Soomaalida u taqaano Daba-miinshaarka.
Khasaaraha Dagaalkan uu geystay ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn, waxaase dhici karta in ay waxyeello geystaan madaafiic xooggan oo qaarkood ku dhacday xaafado ku dhow halka uu dagaalka ka dhacay, gaar ahaan Xaafadaha Geed Jaceyl, Xarar-yaale iyo Siinaay.
Dagaalkan oo dhinacyada uu u dhaxeeyo ay isugu adeegsanayaan madaafiic daryankooda laga maqlayo xaafado ka fog halka ay dirirta ka socoto ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo saaka uu dagaal ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Kaaraan iyo Huriwaa, gaar ahaan Xaafadaha Jamhuuriya, Al-Caddaala, Shiikh Cali Cabdulle iyo kuwo u dhow Saldhigga Booliska Degmada Huriwaa.
Wixii ku soo kordha dagaalkan kala soco Hiiraan Online haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia