Ciidamo Itoobiyaan ah oo la soo dhigay Isgoysyada Fagax iyo Florenza ee magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Talaado, June 17, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ku hoydeen Isgoysyada Fagax iyo Florenza ee Magaalada Muqdisho, iyadoo halkaasina ay horay ugu sugnaayeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Shalay gelinkii dambe ayaa Ciidamada Itoobiyaanka la dejiyay labadaas Isgoys, iyadoo Ciidamadii Soomaalida ahaa ee ku sugnaana loo sheegay in ay ka tagaan halkaas.

Wax yar kadib markii ay Ciidamada Itoobiyaanka degeen Isgoyska Fagax ayaa waxaa weerar ku qaaday Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya, wuxuuna dagaal weerarkaas ka dhashay uu socday muddo saacad ku dhow, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha uu dagaalkaas geystay.
 
Lama oga ilaa iyo haatana ujeedada ciidamada Itoobiyaanka loo geeay Isgoysyadaas oo ay horay u joogeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Fedeaalka Soomaaliya.
 
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa maalmahan dhaqdhaqaaqyo ka waday magaalada Muqdisho, iyagoo marka habeenkii la gaaro lagu arko xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir oo aysan horay u joogi jirin.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia