Ciidamo Itoobiyaan ah oo xalay galay Magaalada Beledweyne kadib markii ay maqleen Rasaas culus oo ka dhaceysa gudaha Magaalada

Cabirka Farta

Talaado, June 17, 2008(HOL): Ciidamada Dowladda Itoobiya ee fadhigoodu yahay Deegaanka Jate-kuundisho ayaa xalay gudaha u soo galay Magaalada Beledweyne kadib markii ay maqleen Rasaas culus oo ay ridayaan Ciidamada Maamulka Gobalka Hiiraan oo sida wararku sheegayaan Rasaas aan sidaa u bedneyn looga soo riday meelaha qaar.
 
Ciidamada ayaa markii ay soo gaareen gudaha Magaalada waxaa ay durbaba isku gadaameen Xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan oo hoy u ah Gudoomiyaha Gobalka iyo xubno ka tirsan Maamulka, sidoo kale waxaa ay Ciidamada Itoobiyaanku fariisin ka dhigteen Buutada Liqliqto oo inta badan xalay laga maqlay Rasaasta ay ridayeen Ciidamada Maamulka Gobalka Hiiraan, waxaana saakay waabarigii la arkayay Ciidamada oo dib ugu laabanaya fariisinkooda Jante-kuudisho.
 
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa  xalay ka argagaxay Rasaasta ka dhacaday Magaalada, maadaama dadku siweyn shaki uga qabo iska hor-imaad mar walba dhaxmari kara kooxaha ka soo horjeeda Siyaasada Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Maamulka oo ay kaabayaan kuwa Itoobiya.
 
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Max'ed Axmed Dhagweyne oo dhawaan warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in Maamulkiisu leeyahay Ciidamo ku filan sidaa daraadeed laga maarmo joogitaanka Ciidamada Itoobiya, lakiin talaabadii xalay ayaa muujineysa sida wali Ciidamada Itoobiyaaku kor ugala socdaan amaanka magaalada oo ay dhawaan isaga baxeen fariisimihii ay ku lahaayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia