Talaado, June 17, 2008(HOL): Dagaal xooggan oo dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa waxaa uu saaka ka dhacay xaafado ka tirsan Degmooyinka Kaaraan iyo Huriwaa ee Gobolka Banaadir.
Dagaalkan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadaha Jamhuuriya iyo Al-Caddaala ee Degmada Kaaraan iyo qeybo ka mid ah Degmada Huriwaa oo ay ka mid yihiin Saldhigga Booliska Degmada Huriwaa iyo weliba Suuqa Degmadaas.
Dagaalka labada dhinac dhexmaray oo ahaa mid xooggan ayaa wuxuu qarxay kadib markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo xalay fariisin ka sameystay Isgoyska Fagax ay saaka isku fidiyeen Wadada ka baxda Isgoyska Fagax ee u kaxda Dhinaca Xaafadda Jamhuuriya, iyadoo kadibna ay ka hor-yimaadeen Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Khasaaraha Dagaalkan uu geystay ayaan ilaa iyo haatan xog rasmi ah loo ogaan karin, waxaana taasi ugu wacan iyadoo meelaha uu dagaalka ka dhacay ay tahay meelo cildo ah oo aan la degin tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray xaafadaha uu dagaalkii saaka ka dhacayna waxaa ay sheegayaan in haatan ay xaaladda degan tahay, isla markaana ay kala tageen dhinacyadii uu dagaalka u dhaxeeyay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia