Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Shiikh Shariif iyo Shariif Xasan iyo Ergada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo hal Hotel la wada dejiyay

Cabirka Farta

Axad, June 01, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ayaa waxay sheegayaan in hal Hotel la wada dejiyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Mas’uuliyiinta sare ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee kala Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Ergooyinka labada dhinac ay ku yeesheen Hotelka ay wada degan yihiin ee Kempiski wada sheekeysiyo kaftan u badan, iyadoo mararka qaarkoodna la arkayay iyagoo si diiran isu salaamaya.

Lama oga in ay mas’uuliyiinta labada dhinac ee Hotelka Kempiski wada degan ay kulamo wada yeelan doonaan iyo inkale, inkastoo la sheegayo in uu kooban yahay waqtiga uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf joogi doono Magaalada Djibouti.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in uu Magaalada Djibouti ka dhaco kulan ay yeelanayaan Ergooyinka labada dhinac iyo Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo la sheegayo in ergooyinka Dowladda iyo Isbaheysiga middiiba la siinayo labo saacadood oo ay u warameyso xubnaha Golaha Ammaanka.

Dhanka kalena, Ergada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in laga qanciyay qaladaad farsamo oo ay howl-fududeeyayaasha Qaramada Midoobay ku sameeyeen Ajendayaasha Shirka, waxaana lagu soo waramayaa in uu ergooyinka arrintaas ka qanciyay Wakiilka Xoghayaha Xoghayaha guud  ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah.

Ugu dambeyntiina, Rajada wada hadallada Jibouti ayaa ilaa iyo haatan la soo sheegayaa in ay wanaagsan tahay, inkastoo aan la sii saadaalin karin waxa ay wada hadalladaas ku dhamaanayaan guul iyo guul-darro.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia