Ergooyinka Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo ka wada qeybgelaya Dood-wadaag ku saabsan sida gurmad loogu fidin karo Dad ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya

Cabirka Farta

Axad, June 01, 2008(HOL): Ergooyinka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa saaka waxay Xarunta Guriga Umadda ee dalka Jibouti  uga wada qeybgelayaan Dood wadaag ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobay oo looga doodayo sida gargaar loogu heli karo Dad badan oo ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.

Dood-wadaagga ay Ergooyinka Soomaalida ah ka qeybqaadanayaan ayaa waxay tahay mid labada dhinac ay markii ugu horeysay isku soo horfariistaan isla markaana ay fikrado ka dhiibtaan sida loo gargaari karo dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.

Sida ku qoran Warqadaha Jadwalka Shirka waxay ergooyinka labada dhinac ka wada hadli doonaan ajendayaal ay ka mid yihiin in qaab Dib u heshiisiin iyo wada hadal ah loo maro xalinta Mushkiladda Soomaaliya, in xabad joojin lagu dhawaaqo iyo in kadib loo gudbo ajendayaasha ugu xasaasisan ee ku aadan in Ciidamada Itoobiya laga saaro Soomaaliya, dabadeedna la keeno Ciidamo Qaramada Midoobay ka socda.

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Dalka Jibouti waxaa jirta rajo wanaagsan oo laga qabo in ay shirkan ka soo baxaan wax xal u noqda Mushkiladda Soomaaliya, iyadoo haatan ergooyinka labada dhinac ay Hotel wada degan yihiin, halka Wejigii hore ee Shirka ay Ergooyinka labada dhinac labo Hotel kala deganaayeen.

Marka laga soo tago Wufuudda ka socota Beesha Caalamka iyo Bulshada Rayidka waxay dhinaca kale Ergooyinka Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta yihiin kuwo la soo kordhiyay tiradooda iyo tayadooda, waxayna Ergada  labada dhinac kor u dhaafayaan marka la isku daro 40 xubnood, tiiyoo ay xusid mudan tahay in ay markan hoggaaminayaan mas’uuliyiin sare oo ka socda labada dhinac.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waa wejigii labaad ee wada hadallo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobay oo is-af-garad looga dhex dhalinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, walow uu Isbaheysiga Dib u xoreynta soo kala dhexgalay khilaaf ka dhashay Wada hadalladan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia