Wafdiyo ka socda dhinacyada is-khilaafsan ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ka qeybgalay Shirka Caalami ah oo ka dhacay Dalka Jarmalka

Cabirka Farta

Axad, June 01, 2008(HOL): Labo Wafdi oo ay kala hoggaaminayaan mas’uuliyiin ka socda dhinacyada is-khilaafsan ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa waxay ka qeybgaleen Shir Caalami ah oo ka dhacay Magaalada Berlin ee Dalka Jarmalka.

Shirkan oo looga hadlayay Colaadaha iyo Abaaraha ka taagan Adduunka ayaa waxaa lagu casuumay dhinacyada isku haya Soomaaliya ee kala ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib  u xoreynta Soomaaliya.

Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxaa shirka uga qeybgalay labo wafdi oo ay kala hoggaaminayeen Xuseen Maxamed Caydiid oo ah Guddoomiye ku xigeenka Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya iyo Maxamuud Axmed Nuur Tartan oo ah Xoghayaha Qorsheynta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay labadan wafdi ka kala socdaan dhinacyada uu u kala jabay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Dhinaca Dowladda Federaalkana waxaa shirka uga qeybgalay  Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Jarmalka Danjire Maxamuud Maxamed Tifow oo Dowladda Jarmalka ay mar sii horeysay ka guddoontay warqadaha aqoonsiga Danjirenimo iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xildhibaan Gaagaale.

Wufuuda Soomaalida ee shirkaas ka qeybgashay ayaa waxay shirka u gudbiyeen Warbixinno ku saabsan Xaaladda dalka Soomaaliya iyo weliba sida ay Colaadaha iyo Abaaraha ula degeen Dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina, Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee lagu aas-aasay Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa waxaa soo kala dhexgalay khilaaf ka dhashay wada hadallada ay Qaramada Midoobay soo qaban qaabisay ee ka socda Dalka Jibouti, iyadoo aan ilaa iyo haatanna lagu guuleysan in xal loo helo khilaafkaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia