Iska hor-imaad ka dhacay qeybo ka mid ah Wadada Makka Al-Mukarama iyo Madaafiic lagu duqeeyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Cabirka Farta

Axad, June 01, 2008(HOL): Wadada Makka Al-Mukarama ayaa waxaa saaka ka dhacay iska hor-imaad hubeysan oo u dhaxeeya Kooxo hubeysan iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Itoobiya iyo kuwa Amisom.

Iska hor-imaadka labada dhinac dhexmaray oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn khsaaraha uu geystay ayaa wuxuu hakad geliyay isu socodka Dadka iyo Gaadiidka Wadada Makka Al-Mukarama iyo Wadada ka tagta Isgoyska KM4 ee ku kacda dhinaca Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Wararku waxay intaas ku darayaan in intii uu iska hor-imaadkaas socday ay dhowr madfac oo hoobiyayaal ah ku dhaceen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, kuwaasi oo aan iyana la ogeyn khsaaraha ay geysteen.

Iska hor-imaadka ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarama ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo saaka la qorsheynayay in uu Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde uu ka dhoofo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo u socdaalayay Dalka Jibouti.

Iska hor-imaadkaas oo ka dhashay weerar ay soo qaadeen kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa shisheeye ee ku sugan  gudaha Soomaaliya ayaa wuxuu u muuqday mid la doonayay in lagu baajiyo socdaalka madaxweynaha, iyadoo aan ilaa iyo haatan la ogeyn in madaxweynaha uu duulay iyo in uu weli Muqdisho ku sugan yahay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia