Mid ka mid ah Mas'uuliyiinta Maxkamadaha Islaamiga oo sheegay in ay weerarro ku qaadi doonaan Xerada ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya ee Jante-kuundisho.

Cabirka Farta
Jimco, 4, July, 2008 (HOL)  Mid ka mid ah mas'uuliyiinta Maxkamadaha Islaamiga oo xiriir la soo sameeyay Warbaahinta ka howl-gasha gudaha Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in ay uga digayaan shacabka ku dhaqan Gobalka Hiiraan waxyeello ka soo gaarta weerarro sida uu caddeeyay ay ku qaadi doonaan Ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay Xerada Jante-kuundisho ee duleedka Magaalada Beledweyne.
 
Mas’uulkan oo lagu magacaabo Shiikh C/llaahi Aadan Farey ayaa intaas ku daray in dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay qeybo ka mid ah Goballada Gal-gaduud iyo Hiiraan sida uu hadalka u dhigay loogu geystay Ciidamada Itoobiya khasaare lixaad leh, “Magaalada Guriceel  ee Gobalka Gal-gaduud xoog ayaa looga soo saaray Ciidamada Itoobiya, sidoo kale qorshuhu waxaa uu yahay in xoog looga saaro Magaalada Beledweyne” ayuu yiri Shiikh  Faray oo dhinaca kale ka codsaday shacabka in ay ka fogadaan goobaha ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya.
 
Sidoo kale Salaaddii Jimcaha ee Maanta ayaa mid ka mid ah Masjidyada Magaalada waxaa laga iclaamiyay Jihaad sida hadalka loo dhigay lala galo Cadawga soo duulay, gaar ahaan in lagu weeraro fariisinka hadda ay degan yihiin ee duleedka Magaalada.
 
Markii ay soo baxeen wararka ku baaqaya dagaal lala galo Ciidamada Itoobiya waxaa ka bilaawday Magaalada Beledweyne walaac iyo qoysaska qaar oo markiiba bilaabay in ay Alaabahooda sii xirxirtaan kuwaasi oo isku diyaarinaya in ay ka baxaan Magaalada, iyaga oo ka cabsi qaba in korkooda lagu dagaallamo.
 
Kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya ayaa xalay dab qabadsiiyay Booyad biyaha loogu qaadi jiray Ciidamada Itoobiya, waxaana dhinaca kale ay wargaliyeen Ceelasha magaalada in ay joojiyaan biyaha ay ka iibinayaa dadka la shaqeeya Ciidamada Itoobiya haddii kale lagala wareegi doono Matoorrada u saaran Ceelasha.
 
Saacadihii aynu soo dhaafnay Ciidamada Itoobiyaanku ma aysan helin wax biyo ah taasoo laga yaabo in ay keento in Ciidamadu gudaha u soo galaan Magaalada si markaa ay biyo u helaan, inkastoo hadda Ceelasha intooda badan ay joojiyeen adeeggii ay u hayeen dadweynaha cabsi ay ka qabaan hanjabaadyada ugu imaanaya labada dhinaca.
 
Dhinaca kale qarax ka dhashay Miino lagu aasay meel dhinac ka ah wadada ayaa waxaa ku geeriyooday Gabar sida la sheegay ku mashuuqsaneyd in ay eegto goobta Miinada lagu aasay halka mid kalena uu ka soo gaaray dhaawac aad u culus.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia