Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka oo beeniyay hadal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya

Cabirka Farta

Jimco, July 04, 2008(HOL): Afhayeenka Howl-gallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa wuxuu beeniyay hadal ay sii deysay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Itoobiya, kaasi oo ahaa in ay Ciidamada Itoobiya dileen 71 dagaalyahan oo isugu jiray dagaalyahanno iyo saraakiil hoggaamineysay.

C/raxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in warkaas uu yahay mid aan waxba ka jirin, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Wasaaradda Gaashaandhigga hadalkaas ku qarineyso dhibaato ka soo gaartay dagaalkii ay la galeen Xoogagga Maxkamadaha Islaamka.

“Dagaalladii aan Ciidamada Itoobiya kula galnay Guriceel, Matabaan iyo Ceel Gaal inta badan waxaan ugu geysannay Ciidamada Itoobiya khasaare xooggan, waxaana ka dilnay 140 askari, marka hadalka ka soo yeeray Itoobiya waxaan u arkeynaa mid ay ku qarinayaan jabkii aan u gesannay”ayuu yiri C/raxiin Ciise Caddow.

Hadalka uu sii daayay Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka C/raxiin Ciise Caddow ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya lagu sheegay in dagaalkii dhawaan ka dhacay Degmada Matabaan ay Ciidamada Itoobiyaanka ku dileen 71 dagaalyahan iyo saraakiishii hoggaamineysay, kuwaasi oo qaarkood ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya in ay ku jireen Saraakiil heystay Jinsiyadaha Dalal kale.

Marka  la soo tago sheegashada Itoobiya ee ku aadan in ay dishay dagaalyahanno ka soo horjeeday iyo saraakiishii hoggaamineysay iyo beeninta Maxkamadaha Islaamka ee ka daba-timid ilaa iyo haatan ma jirto cid labada dhinac ka madax bannaan oo xaqiijisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Gobollada dhexe, gaar ahaan Degmooyinka Matabaan iyo Guriceel.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia