Jimco, July 04, 2008(HOL): Ugu yaraan Sedex Caruur ah ayaa Cudurka Shuban Biyoodka ugu geeriyootay mid ka mid ah Kaamamka ay daganyihiin dadka soo barakacay ee ku yaala duleedka Magaalada Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Kaamka Sedexdaan Caruurta ah ay ku dhinteen ayaa lagu Magaacaabaa Kaam Tawaakal oo ay ku jireen dad Qaxooti ah oo siyaabo kala duwan uga yimid Koonfurta dalka Somalia ,kuwaasi oo iminka ay soo waajaheen duruufo kala duwan oo dhinaca Nolosha ah.
Cudurka Shuban Biyoodka ayaa 24 saac ee u danbaysay wax uu soo ritay dad aad u fara badan oo isugu jira Caruur iyo Haween , kuwaasi oon haysan wax Daryeel Caafimaad ah,inkastoo la soo Gaarsiiyay Isbitalka Bandar Qasim Hospital.
Waxaa aad Gabaabsi u noqday Gar Gaaradii Caafimaadka ee la Garsiin jiray xeryaha ay ku jireen dadka soo Barakacay, iyadoo Iminka aysan jirin wax Hayado Sama fal ah oo wax u qabanaya Shacabka ku dhaqan Xeryaha ku yaala Magaalada Bosaaso.
Caruurta ku jirta Xeryaha Qaxootiga ee Magaalada Bosaaso ayaa noqday kuwa ugu Nugul dhibootiyanka xeryahaasi ka dhaca hadii ay noqon lahayd mid Caafimaad iyo mid Waxbarashao ,iyadoo mar marka qaar ay dhacdo in la waayo Cuntadii la siin lahaa Ciyaalkaasi Sicir bararka owgiis.
Maalin ka hor ayey ahayd markii kaarar loo qaybiyay daka ku jira Xeryaha Qaxootiga si loogu qaybiyo Cuntooyin isugu jira Bur, Bariis iyo Qamadi, waxaana qaar ka tirsan dadkaasi oo Hiiraan Online uu booqday ay sheegeen in ilaa haaatan aysan helin wax gar gaar ah oo ka socda Hayadaha Samafalka ee ka hawl gala Gobolka Bari.
Maamulka Gobolka Bari ayaa horay u sheegay in dadkaasi wax loo qaban doono ,balse ma muuqdaan wax Talaabooyin ah oo ku aadan wax u qabashada dadkan uu soo ritay Cudurka Shuban Biyoodka gaar ahaan dadka soo Barakacay ee ku jira xeryaha Qaxootiga magaalada ,xilli lagu gudo jiro kulayl aad u daran.
Feysal Maxamed Xasan (Boston)
[email protected]
Bosaso, Somalia