Madaafiic lagu weeraray garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho oo dhaawac geystay

Cabirka Farta

Jimco, July 04, 2008(HOL): Madaafiic hoobiyayaal ah ayaa saaka subaxnimadii waxaa lagu weeraray garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo xiligaasina ay xirnaayeen waddooyinka u dhow garoonka.

Madaafiicdaas oo dhowr ahaa ayaa mid ah ka mid ah waxaa uu ku dhacay xaafad u dhow Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaana halkaas ku dhaawacmay Haweeney iy canug ay dhashay, iyadoo uu burbur soo gaaray guri ay dadkaas ku noolaayeen.

Xiliga madaafiicdaas lagu tuurayay garoonka Diyaaradaha Aadana Cadde oo ahayd xili aroor hore ah ayaa waxaa la sheegay in uu garoonka ka soo degayay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka soo kicitimay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo la xiray Waddooyinka u dhow Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxay weerar madaafiic loo adeegsaday  ku qaadeen Garoonka, iyadoo xiliyadaasna ay garoonka ka dhoofayeen mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ma jirto ilaa iyo haatan cid sheegatay in ay ka dambeysay madaafiicdaas lagu weeraray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay oo madaafiic lagu weeraro garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ugu dambeyntiina, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa in muddo ah waxaa ku soo badanayay dilalka, qaraxyada iyo iska hor-imaadyada, iyadoo taasina ay magaalada ka dhigtay mid aanu ammaankeeda hagaagsaneyn.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia