Khamiis, 31 July 2008 (HOL): Laba nin ayaa dhintay saddex kalena waxaa lagu dawaynayaa Cusbitaalka guud ee Gabilay, ka dib markii sida la sheegay ay ku sumoobeen Raashin ay cuneen shalay galinkii hore.
Shantan qof ayaa afar ka mid ahi ka soo jeedaan Qoomiyada Oromada ee Itoobiya, kuwaasoo ka shaqaynayay Beer ku taala deegaanka Geed-balaadh, halka ninka shanaad oo ka mid ah Labada dhintayna ka yahay muwaadin reer Somaliland ah oo deeganaa goobta Mashaqadu ka dhacday oo ka mid ah degmada Wajaale ee Gobolka Gabiley. "Arintu waxay dhacdey saaka Subaxdii raganina beer ayey ka wada shaqeynayeen oo goob qudha ayey ku wada qureecdeen, markaa markii ay qureecdii cuneen ayaa dhibaatadan suntu mar kaliya soo wada gaadhey, waxana goobtaa ku geeriyoodey muwaadinkaa reer Somaliland, ee Marxuum Cali Axmed Muxumed iyo ninka kale oo Oromo ah oo magaciisa ahaa Maxamed Aadan"Sidaa waxa yidhi Taliyaha qeybta Ciidanka Booliska ee Gobolka Gabiley Saleebaan Muuse.
Illaa hadda si rasmi ah daboolka loogama qaadin sababta iyo cidda ka dambaysay dhibaatada soo gaadhay dadkan. Hase ahaatee, wararka aanu ka helay Gobolka Gabiley waxa ay sheegayaan in Ciidamada Boolisku ay gacanta ku hayaan baadhista dhacdadan, isla markaana loo qabtay nin ka mid ahaa Shaqaalaha ka hawl-gali jiray Beeraha Deegaankaasi, kaasoo laga eryay shaqada, Islamarkaana ku sii sugnaa deegaanka. kaas oo sida wararku sheegayaan lagu eedeeyay in uu Kariyay Cuntada kooxdan Ragga ahi ku sumawday.
Saddexda nin ee lagu dawaynayo Cusbitaalka guud ee Magaaladda Gabiley, ayaa la sheegay in xaaladooda Caafimaad ka soo raynayso, inkasta oo wakhtigii la keenay Cusbitaalkana ay liiteen.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland