Khamiis, July 31, 2008(HOL): Waxaa wali dekadda wayn ee Magaalada Boosaaso ku xayiran shixnado Gawaari ah, kuwaasi oo ay diideen Ganacastada Puntland in la dajiyo sababo la xiriira Canshuuraha oo lagu kordhiyay.
Ganacsatada Puntland ayaa sheegay in ay ku adkaysanayaan in aanan la dajin Badeecadaasi tan iyo ay Dawladda Puntland ay ka laabanayso go’aankeeda ah canshuurta kordhinta lagu sameeyay Badeecadaha ay la soo dagaan ganacstada Puntland.
In ka badan 50 Gawaari oo ah Nooca xamuulka iyo waliba labo Markab ayaa Maalintii 6aad ku xayiran Dekadda wayn ee Magaalada Boosaaso arrimo la xiriira khilaafka u dhaxeeya Ganacstada iyo Dawladda.
Maamulka Puntland ayaa si cad u beeniyay in ay jiraan wax canshuur kordhin ah oo lagu sameeyay badeecadaha ay soo dajistaan qaybaha kala duwan ee ganacsatada Puntland.
Wasiirka ku xigeenka Maaliyadda Puntland Yaasiin Maxamed Cartan oo shalay galankii danbe shir jaraa,id ku qabtay Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Dawladda ay ka go,an tahay sidii ay u xakamayn lahayd sicir bararka ka jira Punland, Waxaana Wasiirka uu sidoo kale tilmaamay in 20% la dhimay canshuurta cunnooyinka daruuriga ah si aysan Noloshooda khal khal u galin dadka danyarta ah ee ku dhaqan Punland.
Muranka ka dhashay arintan ayaa noqday mid iminka cirka isku taxay, waxaana ilaa iyo hadda ganacsatada ay ku adkaysanayaan in aysan dajin doonin shixnadahaasi tan iyo inta laga dhimayo Canshuuraha lagu kordhiyay.
Inkastoo aysan jirin go’aamo uu maamulku uu ku amrayo in shixnadahaasi la dajiyo ayaa hadana arintaan waxay dhibaato ku keentay in badan oo ka mid ah danyarta Puntland.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia