![]() |
| Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur |
Shiikh Mukhtaar Roobow waxaa uu ugu horeyn ka hadlay heshiiskii uu qodobka xabad-joojinta ah ku jiray ee ay Jibouti ku wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in uusan Isbaheysiga Dib u xoreynta joojin karin xabadda ka socota Soomaaliya.
“Dad Hotello jiifa Xabad ma joojin karaan ee waxaa Xabadda joojin kara Wiilasha ka dagaallamaya Gudaha Soomaaliya” ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo sheegay in xabadda sii wadayaan illaa ay Dalka Soomaaliya ka xoreeyaan sida uu u yiri Cadawga ku soo duulay iyo daba-dhilifka u adeega.
Shiikh Mukhtaar waxaa uu ka hadlay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo dhawaan lagu soo tababaray Gudaha Itoobiya, wuxuuna sheegay in ay Ciidamadaas yihiin kuwo loogu talagalay in ay bililiqeystaan Suuqa Bakaaraha.
“Waxaan leenahay Ciidamadaas naftiina khatar ha gelina ee ka soo goosta, annagana marka aad noo timaadaan qoryaha aad wadataan waan idinka iibsan doonnaa, naftiinana waa idiin badbaadin doonnaa”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka xitaa haddii ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Soomaaliya.
“illaa dalka laga xoreeyo kuwa doonaya in dalka lagu xukumo dastuurka ee ka soo horjeeda in la isku xukumo Shareecada Islaamka dagaalka waa sii socon doonaa, qofkii diida in Diinta Alle la isku xukumana waa la dagaallami doonnaa”ayuu mar kale yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.
Abuu Mansuur waxaa uu ugu dambeyntii ka hadlay Xildhibaano ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo dhawaan ka sheegay Magaalada Baydhabo in ay la dagaallami doonaan Xoogagga Al-shabaab, wuxuuna sheegay Abuu Mansuur in aysan beelaha Digil iyo Mirifle metelin Xildhibaannada ku shiray Baydhabo, isagoo intaas ku daray in aysan jirin awood ay Xildhibaannadaas u leeyihiin in ay ka hor-yimaadaan xoogagga Al-Shabaab.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
