Khamiis, July 31, 2008(HOL): Ciidamadii dhawaan lagu soo tababaray gudaha Itoobiya ayaa waxay holwgallo ka bilaabeen Magaalada Baydhabo oo ah Xarunta Gobolka Bay.
Ciidamadan ayaa howlgalkii ugu horeeyay oo ay shalay sameeyeen waxay ku soo qabqabteen dad la sheegay in looga shakiyay in ay ku lug lahaayeen falal nabadgelyo ah oo horay uga dhacay Magaalada Baydhabo.
Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Jen. Saciid Dheere ayaa sheegay in howlgallada ay Ciidamada sameynayaan uu yahay mid lagu sugayo ammaanka Magaalada Baydhabo oo ah fadhiga KMG ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Jen. Saciid Dheere waxaa uu sheegay in ay howlgallada sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo ammaanka magaalada Baydhabo, wuxuuna caddeeyay in ay jiraan Dad ay Ciidamada ku soo qabteen howlgallo ay sameeyeen, kuwaasi oo uu sheegay in la baarayo.
Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa dhawaanahan waxaa ka dhacayay falal nabadgelyo darro ah oo isugu jira dilal loo geystay Saraakiisha ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo weliba weerarro lagu qaaday fariisimo ay Baydhabo ku leeyihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, iyadoo sidoo kalena la weeraray guryo ay Baydhabo ku leeyihiin Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Howlgalka ay sameynayaan Ciidamadan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii uu Baarlamaanka Soomaaliya dhawaan ansixiyay in Ciidamadii lagu soo tababaray Itoobiya ay sugaan Ammaanka Gobolka Bay iyo Gobollada la deirska ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia