Isniin, July 28, 2008(HOL): Madaxweynaha DGPL General Maxamud Muuse Xirsi (Jen. Cadde) ayaa wareegto ka soo baxaday Maanta xafiiskiisa Magaalada Gorowe lamabarkeeduna ahaa 82 ,isla markaana ku suntanayd 28-7-2008 waxa uu Wasiirka arimaha Gudaha u Magacaabay C/xamiid Garaad Jaamac Garaad Cali .
Xeerka ka soo baxaday xafiiska Madaxwaynaha dawlada ayaa u Qornaa sida tan.
Madaxweynaha Dawladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Puntland qodobka 54aad Farqadiisa 19aad.
Markuu la tashaday: Madaxweyne ku xigeenka DGPL.
Markuu la Tashaday: Isimada iyo waxgaradka Gobolka Sool
Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa.
Wuxuu xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha u magacaabay C/xamiid Garaad Jaamac Garaad Cali, kaasi oo uu madaxweynaha u rajeeyay in uu xilkiisa u gudan doono si waafaqsan sharciga u degsan Maamulka Puntland.
Dhinaca kale Dr C/rshiid Barkhadle ayaa loo Magcaabay la taliyaha Madaxweynaha Arrimaha Gobolka Sool.
Xeerkan ayaa waxa ku saxeexnaa
Maxamuud Muuse xirsi (Jen. Cadde)
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Feysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia