Dowladda Spain oo sheegtay in ay markab dagaal u soo direyso Xeebaha Soomaaliya

Cabirka Farta

Wasiirka Gaashaandhigga  Spain-  Carme Chacon
Isniin, July 28, 2008(HOL): Dowladda Spain ayaa shaaca ka qaaday in ay Xeebaha u direyso Markab Dagaal oo la dagaallami doona Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Spain Haweeneyda lagu magacaabo Carme Chacon ayaa Axaddii ugu baaqay Dalalka Dalalka Caalamka in ay Ciidamadooda u diraan Xeebaha Soomaaliya oo aan lahayn cid ilaalisa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya.

Wasiiraddan ka tirsan Dowladda Spain  ayaa sheegtay in ay si dhaqsi ah Markab dagaal ugu dirayaan Xeebaha Soomaaliya, kaasi oo Ciidamada saaran ay la dagaallami doonaan Burcad Badeedka sida Sharci darrada ah uga kalluumeysta Xeebaha Soomaaliya iyo kuwa Maraakiibta iyo Doomaha qafaasha.

“Waxaan rabnaa in aan si dhaqsi ah Ciidamo ugu dirno Xeebaha Soomaaliya waayo waxaa bilaabanaya xiliga Kalluumeysiga oo ay Kallumeysato sharci darro ah tagaan Xeebaha Soomaaliya”ayay tiri Carme Chacon oo u warantay wargeys lagu magacaabo El Pais, kaasi maalin walba ka soo baxa Dalka Spain.

Dowladda Spain ayaa dhawaan waxay lacag hal Milyan oo Doollar  ka badan  waxay siisay Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah, kuwaasi oo qafaashay Markab laga leeyahay Dalka Spain iyo shaqaale saarnaa oo ay ku jireen Muwaadiniin Spanish ah.

Sida ay sii deysay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Badaha ee IMB waxaa Xeebaha Soomaaliya ka dhacay sanadkii hore oo kaliya 25 Weerar oo lagu qaaday Maraakiib iyo Doomo isugu jiray kuwo ganacsato u rarnaa, kuwo gargaar bani’aadannimo waday, kuwo kalluumeysi iyo kuwo ay  la socdeen dad dalxiisayaal ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia