Isniin, July 28, 2008(HOL): Guddoomiyaha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool Maxamed Macallin Axmed ayaa sheegay in uusan xiligan diyaar u ahayn in uu iska casilo xilka uu Degmadaas ka hayo.
Maxamed Macallin Axmed waxaa uu sheegay in ay maalmihii tegay soo gaarayeen hanjabaado ku saabsan in uu iska casilo xilka uu ka hayo Gobolka Bakool balse waxaa uu sheegay in si kasta oo loogu hanjabo uusan diyaar u ahayn in uu xilkaas iska casilo.
Guddoomiyaha Degmada Xudur waxaa uu sheegay in uu xilkiisa sii wadan doono, wuxuuna sheegay in uusan waxba u arkeynin digniinta uga timid dhinaca Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macallin Axmed waxaa uu sheegay in ay wax weyn ka qaban doonaan nabadgelyo darro ka jirta deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Bakool.
Hadalka Guddoomiyaha Degmada Xudur ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahan ay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Bakool ay gacan ku heyntooda la wareegayeen Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo xitaa mar ay weerar ku qaadeen xarunta Gobolka ee Xudur.
Ugu dambeyntiina, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Bay ayaa waxay iska casileen xilal ay ka hayeen Degmooyinka Qansax-dheere, Ufurow, Diinsoor, Berdaale iyo Buur-Hakaba, iyadoo mas’uuliyiintaas is-casishay ay sheegeen in aysan wax taageero ah ka helin dhinaca Dowlada Federaalka Soomaaliya tan iyo markii degmooyinkaas loo magacaabay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia