Isniin, July 28, 2008(HOL): Waxaa bishan July 26 keedii ku geeriyoodey Magaalada Nairobi Dalka Kenya Allaha u Naxariiste Maxamed Xaji Cabdi oo dhawaan loo magacaabay Safiirka Dalka Malaysia u Fadhiya Dowladda Fedaralka Somalia.
Marxuumka oo horey uga mid ahaan jiray Guddoonka Waxbarashadda ee Gobolka Banadir (REO) xilligii Xukuumadii Militariga ayaa wuxuu ahaa shakhsi aad looga dhex yaqaanay bulshada Somaliyeed meel kasta ay joogto, gaar ahaan Waqooyiga Ameerika oo uu ku noolaa sanadihii danbe ee dagaalka sokeeya ka dhacay Soomaaliya.
Alla ha u naxariistee Maxamed Xaaji Cabdi waxaa lagu aasay magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya, wuxuuna ifka kaga tagay Lix caruur ah iyo hooyadood.
Marxuumka waxaan eebbe uga baryeynaa in uu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ehelladii uu ka baxaynay samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.
Hiiraan Online