Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo gaaray Magaalada Garowe

Cabirka Farta


Axad, July 27, 2008(HOL): Madaxwaynaha Dawladda Federalka KMG ah ee Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta soo gaaray Magaalada Garowe ee Caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland ayaa la kulmay Xubnaha Labada Gole ee  Maamulka Puntland.

Madaxwaynaha ayaa labada Gole kala shiray arrimo khuseeya Dastuuurka Cusub ee Puntland iyo sidii loo ansixin lahaa, waxaana markii uu gaaray Magaalada Garowe ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin uu ugu soo horeeyay  Madaxwayanha DGPL Maxamuud Muuse Xirsi Cadde iyo ku xigeenkiisa Xasan Daahir Af-qurac, iyadoo sidoo kalena ay soo dhaweynta ka qeybgaleen shacab aad u fara badan oo watay Caleemo qoyan iyo boorar ay Madaxweynaha ku soo dhaweynayeen.

Kulanka uu Madaxwaynaha la qaatay labada gole ee Golaha Xukuumada, waxaa kaloo lagu soo hadal qaaday dhinaca shidaal baarista Puntland ay iminka ka wado qeybo ka mid ah deegaanadeeda.

Imaatinka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ee  deegaannada Puntland ayaa salka ku haysa arrimo badan oo la xiriira dhinaca doorashooyinka Puntland ka dhici doona Sanadka soo socda ee 2009, iyadoo qorshaha ugu weyn ee Madaxwaynaha uu yahay sidii waqtiga loogu kordhin lahaa Madaxwaynaha DGPL General Cadde Muuse.

Khudbad uu Madaxwaynaha u jeediyay labada Gole ee Puntland ayuu ku dheeraaday ahmiyadda Nabadda ay leedahay , isagoo sheegay in nabadgelyo la’aanteed  aysan jirin wax kala socon karaya.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay in Puntland ay hiigsato qorshayaal badan oo ku aadan dhanka Horumarka, balse waxaa arrimahaas oo dhan ka soo horeeya ka shaqaynta Amniga " ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo la hadlayay labada Gole ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxwaynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaan la ogayn inta ay qaadan doonto booqashada uu ku tegay  Deegaannada Puntland, waxaana ay ku soo beegmeysaa booqashadiisa xilii Puntland ay soo food saareen Caqabado Dhinaca Amaanka ah.
 
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bossaso, Somalia